Puntland oo dad u xir xirtay Dabkii dhimashada badan dhaliyay ee ka kacay Garowe

0 232

Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay dad u xirxireen dab Khasaare geystay oo shalay gelinkii dambe ka kacay goob Shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Duqa Magaalada Garowe Xasan Goodir ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen waxyaabihii dabkaasi kiciyay, islamarkaana ay Hay’adda Ammaanka Puntland ay baaritaano kala duwan ku waddaan.

Inta la xaqiijiyay dabkaasi, waxaa ku dhintay Afar qof , waxaana sidoo kale dhaawac culus uu soo gaaray Afar oo kale sidda uu sheegay duqa Magaalada Garowe.

Diyaarad ayaa Maanta ka qaaday magaalada Garowe dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay dabkaasi oo la sheegay in uu geystay Khasaare Ba’an.

Dabkan oo aanan la ogeyn waxa sababay ayaa waxa uu ka kacay Geerish ay leedahay shirkadda Taran, kaasi oo lagu xareeyo Baabuurta, sidoo kalena ay yaalaan qalab dhismo oo shirkadda ay leedahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.