Puntland oo eedeysay Somaliland

0 188

Cabdulahi Axmed Xirsi (Timacade) Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Puntland oo goor dhow warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu dhibaato joogta ah ku hayo dadweynaha Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Puntland ay jawaab ka bixin doonto dhibaatada lagu haayo dadka Shacabka ee kunool gobolka Sool.

Waxaa uu wax laga xumado ku tilmamay in waxyeelo joogta ah lagu hayo shacabka magaalada Laascaanood oo uu ku tilmamay fal aan wafaqsanay xuquuqda bini-adamka in la handado biri-magaydada.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyay ee sameeyeen ciidamada Puntland in ay guul ka gaareen.

Wasiirka ayaa ku hanjabay in Puntland ay sii wadi doonto dagaalka gobolka Sool.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.