Qaadka Miirowga oo laga diiday Caasimadda Puntland ee Garowe

0 275

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in muddo 2 Bari ah aan La keenin wax Qaad ah.

Dadka Iibiya Jaadka ayaa u sheegay Warbaahinta ku taalla degaanada maamulka Puntland in mudooyinkii la soo dhaafay ay jireen dhibaato lagu qabay Qaadka ,Waxayna Tilmaameen inuu noqday wax aan Cuni karin oo Adag aana La Calalinkarin, islamarkaana degaanada Puntland loo soo dhoofiyo qaad qurmay.

Kaltuun Cumar Ducaale oo ka mida dadka Gada Qaadka ayaa xaqiijisay in muddo laba Casho ah Garowe aan la keein wax Jaad ah, Waxa ay Tilmaamtay in Jaadkii laga keeni jiray Dalka Kenya ee Miirowga uu noqday wax qurmay oo qashin ah ayna ku adkaatay dadka iibsha inay ka ganacsadaan,

Maalmaha soo socda ayaa la sheegay in ay filayaan in dib uu u yimaado Qaadkii Miirowga ahaa taasoo Ganacstada Kenya ee Beeralayda ka sugayaan inay soo badalaan Jaadkii hore.

Qaadka laga isticmaalo Soomaaliya ayaa waxaa laga soo dhoofiyo dalka Kenya, waxaana mararka qaarkood dhacda Isfaham ku dhexmara ganacsatadda Kenya iyo kuwa Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.