Qaar Ka Mid ah Beelaha Gobolka Gal-Gaduud oo Shirka cadaado ka Socday War kasoo Saartay

0 860

Xili Magaalada Cadadao ee Gobolka Gal-gaduud  ay ka Socdaan Shir Maamul Loogu Sameeynaayo Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud  ayaa waxaa Magaalada Muqdisho Mid ka Mid ah Beelaha kazoo Jeedda Gobolka Gal-gaduud  Waxaa ay ku Qabteen Kullan lagu Taageerayay Shirka ka Socda Magaalada Cadaado

Beesha waceysle oo Degto Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer Ee Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud  ayaa waxaa ay Kullan ka ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Mar ka Hore Ku Xuleen Dadka uga qeyb Galaya shirka ka Socda Magaalada cadaado

33 Xubnood oo uu Hogaaminaayo Caaqil  cabdullaahi Geedi shadoor oo ay ku Jiaan 7 hawen ah ayey Shaaciyeen Beesha waceysle in ay Shikaasi uga qeyb Galayaan

Cabdullahi Geedi Shadoor oo ka Hadlay Kullanka Muqdisho ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay  in Madaxweynaha Soomaaliya uu Tiro Dhowr Jeer ah kusoo laabtay magaalada dhuusamareeb taasi oo ku dhalisay in ay Aqbalaan hadalka madaxweynaha oo ay cadaado tagaan

Caaqil Geedi ayaa waxaa uu sheegay in ay Magaalada Ceeldheer Ee Gobolka Gal-gaduud ay Noqoneeyso Dekadda Uu Yeelan Doono Maamulka loo Sameeynaayo Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud

Beelaha Kasoo Jeeda Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud ayaa waxaa ay Haatan ku Mashquulsan Yihiin Siddii ay usoo Xuli Lahaayeen Xubnaha Shirka Cadaado uga qeyb galaya

Shirweynaha maanta lagu qabtay Hotelka City Palace, oo  ka qeyb galeen ku dhawaad 300 qof ayaa waxay u codeeyeen 33-ka xubnood ee Beesha Wacaysle uga qeybgalayo Shirka ka socda Degmadda Cadaado ee Maamul u samaynta Goballadda Dhexe ee Soomaaliya.

Caaqil C/llaahi Geeddi Shadoor ayaana hoggaaminayo Xubnahaasi, oo ay  ku jiraan 7 xubood oo haween ah.

Qaar ka mid ah Magacyadda Guddiga Beesha Wacaysle u matalaya Shirka Cadaado, ayaa  waxay kala yihiin:-

  • Cabdullahi Geedi Shadoor
  • Ciise Macallin Moxamoud ahna Guddoomiyaha Guddiga Beesha Wacaysle ee soo dhisay Xildhibaanadda Beesha Wacaysle ee ka tirsan Baralamaanka Federalka Soomaaliya.
  • C/qaadirYalaxow Hiraabe
  • Cumar Cali Shambi
  • Muxidiin Salaad Cabdi
  • Moxidiin Cali Jimcaale “Jakulla”
  • Nabadoon Macallin Moxamoud
  • Dr. Axmed Xasan Rodol
  • Mox’ud Mox’ed Xasan  “Tolbert”
  • Axmed Cali Jariiban
  • CaliImaanXalane  “Cali Gurey”
  • Cabdullahi Cali Xasan “Faraweyne
  • Ciise Macow Gacal
  • Moxamed Cabdulle Guure
  • Dhiblaawe CalasowJimcaale
  • Daahir Siyaad Hiraabe
  • Cabdullahi Dhiblaawe Gacal
  • Marwo Safia Cabdulle Cali
  • Marwo Madiina Maxamed Cosmaan
  • Marwo Nadiifo Shekh Cumar
  • Marwo Sahra Xasan Socdaal
  • Marwo Nadiifo Xasan Cilmi
  • Marwo Shamso Mox’ed Yabarow

Dhinaca kale, Waxaa Shirka ay Beesha Wacaysle ama Warculus Abgaal maanta ku yeesheen Hotelka City Palace  ee ku yaalla Degmadda C/casiis ee magaalladda Muqdisho waxaa laga soo saaray War Saxaafdeedkan:-

WAR-SAXAAFADEED

GO’AANKA KA SOO BAXAY SHIRWEYNAHA BEESHA WACAYSLEama “WARCULUS ABGAAL” LAGUNA QABTAY HOTEELKA CITY PALACE ee DEGMADA CABDULCAZIZ EE MAGAALA-MADAXDA  MUQDISHO

Maanta oo ay taariikhdu tahay 25ka April 2015, waxaa Hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan eebeel-weyntaWacaysleama loo yaqaan “ WarculusAbgaal”,

 

waxa ujeedada shirku ahaa in si wadajir ah Beesha uga tashato kaalinta ay ku leedahay ka-qaybgalka shirka Degmada Cadaado ee dhawaan sida rasmiga ah uu Madaxweynaha J.F.Somaliya MudaneXasan Shekh Moxamoud halkaas uga furay,

iyadoo la og yahay in ujeedada shirkaasu yahay in beelahawadadegaGobolladaMudugiyo Galgaduud kuheshiiyaan in ay wadadhistaan maamul dowlad goboleed oo ay u dhanyihiin, kuna dhisan wax-qaybsi caddaalad ah.

Kadib,marka uu Shirwynu dhegeystay marka talooyin iyo warbixinno kala duwan ee ku saabsan dhismaha dowlad-goboleedka Mudug iyo Galgaduud, waxaa dood dheer kadib la go’aamiyay qoddobada soo socda:

  • Waxaa BeeshaWacaysle si buuxda u taageersan tahay shirka Cadaado ka furmay ee ujeedadiisu tahay in beelahawada dega GobolladaDhexe, oo ay beeshaWacaysle ka mid tahay loo dhiso Dowlad-goboleed ay ku midaysan yihiin.
  • Waxaa Shirweynaha BeeshaWacaysle isku raaceen in ay Shirka Cadaado u diraan wafdi ballaaran oo ka kooban Jufooyinka ay beesha u dhalatay uunahoggaamin doono Xildhibaan ka tirsan Beesha
  • Waxay beeshaWacaysle si rasmi ugu gudbindoonta shirka ka socdo degmada Cadaado  “FARTIIN CAD “ oo qeexaysa cidda iskaleh go’aan ka gaarista xulista Ergooyinka iyo Awood-qaybsiga dhismaha Dowlad-goboleedka.
  • BeeshaWacaysle waxay uga digayaan Abaabulayaasha iyo Guddiga Farsamada ee Shirka Cadaaado in ay iska hubiyaan saxnaanshaha Wakillada Beelaha wada dega Mudug iyo Galgaduud.
  • Beesha Wacaysle waxay u digayaan cid kasta oo isku dayda inay Xuquuqda Beesha duudsiiyaan.
  • Beesha Wacaysle, waxay xubnaha u matalaya Shirka Cadaado kula dardaarmeen inaysan Beesha u soo qaadin wax aan u qalmin oo aysan Beesha ku mideysnayn.
  • Beesha Wacaysle, haddii ay Shirka Cadaado ka waayaan Maslaxooda, waxay ka tashan doonaan Aayahooda.
  • Beesha Wacaysle, waxay ka digayaan cid kasta oo magaca Beesha Wacaysle ku taga Shirka Cadaado, oo aan ahayn Xubnaha ay Jufooyinka Beesha ay si wadajir ah u wada doorteen., kuwaasi oo ka kooban 33-xubnood.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka ay Waxgaradka Beesha Wacaysle maanta ku yeesheen Hotelka City Palace waxaa ka mid ahaa:-

  1. Xildhibaan C/qaadir Macallim Nuur “Khaliifka”
  2. C/llaahi Axmed Nuur ahna Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Somalia
  3. Jeneral Cabdi Maxamed Fiidow “John”
  4. Maxamed Ibraahim Cali “M.Cajiib”, Madaxa Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda ee CCA.
  5. Maxamed Cali Jug-weyn,
  6. Ganacsade Cali Xaaji Iimaan,
  7. C/qaadir Yalaxow Hiraabe
  8. Cabdi Cali Farroole,
  9. Suldaan C/llaahi Macallim Mxamuud,
  10. Caaqil C/llaahi Geeddi Shadoor iyo Waxgarad kale,

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.