Qaramada Midoobey oo Kenya ku boorisay taageerada Qaxootiga

0 251

Madaxa Hey’adda Qaxootiga Aduunka UNHCR ee Qarmada Midoobay Flippo Grandi ayaa muujiyay sida uu ugu mahadcelinayo Kenya in ay sii wadaan marti galinta ku dhowaad Nus Milyan Qaxooti ah iyo xuduudaheeda u furan dadka ka cararaya dagaalka.

Shalay oo Arbaco aheyd kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Grandi ayaa waxa ay uga hadleen xaaladaha ay ku sugan yihiin Qaxootiga, wuxuuna Flippo Grandi uu Kenya ka helay ballanqaadyo ah in barnaamijka dib-u-noqoshada qaxootiga ee Soomaaliya uu sii socdo iyo in Qaxootiga aanan lagu celin si qasab ah.

“Kenya waxay sii waddaa in ay marti galiso Qaxootiga, Ballan-qaadkan Kenya waa in ay u weheliyaan beesha caalamka oo leh maalgalin bini’aadanimo iyo horumarin iyo sidoo kale meelo badan oo dib u dajin ah, deeqo Jaamacadeed iyo fursado kale.” Ayuu yiri Flippo.

Grandi aya ballan qaaday taageerada joogtada ah ee UNHCR, wuxuuna tilmaamay Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay in ay siiso gargaar dib-u-helid ah marka ay Qaxootiga yimaadaan Soomaaliya.

Ilaa hadda sanadkan, in ka badan 35,000 oo qaxooti ah oo ka yimid xerada qaxootiga ee Dhadhaab ayaa Soomaaliya dib ugu soo laabtay iyadoo UNHCR ay barnaamijkeeda dib-u-noqoshada ah ay weli wado, halka 18,000 ay ka diiwaan gashan yihiin inay ka soo baxaan xeryaha Qaxootiga.

17-kii bishan Wafdi uu hoggaaminayay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobe ee UNCHR Filippo Grandi ayaa yimid Muqdisho, waxayna kulamo la xiriira caawinta dadka u baahan gargaarka la qaateen Madaxda dalka, iyaga oo sidoo kale maalinkii xigtay booqasho ku tagay Kismaayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.