Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

0 245

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Gaari oo saakay ka dhacay degmada Waabari, gaar ahaan Xaafadda Unicef.

Sidda ay Radio baidoa u xaqiijiyeen dadka degaanka gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa waxaa lahaa wiil dhalinyaro ah oo dowladda u shaqeeya, waxaana ka shakiyay ciidamada Ammaanka,waxaana ay dadka ku wargeliyeen in ay goobta ka fogaadaan, laakiin gaariga ayaa durba qarxay intii dadka goobta laga celinaayay.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay Qaraxaasi labo ruux oo la sheegay in mid uu yahay taliye ku xigeenka Ciidamada Nabadsuggidda degmada Waabari.

Ma jirto waxyeelo soo gaartay ruuxii Qaraxa loogu xiray gaarigiisa.

Gaariga Qarxay waxaa uu nuuciisa uu yahay PREMIO sidda ay xaqiijiyeen dadkii ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxa kadib goobta waxaa gaaray Ciidamada Miini baarista iyo Ciidamo kale oo hubeysan, kuwaasi oo dhaawac ahaan goobta uga qaaday taliye ku xgeenka iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaanada la xiriira Qaraxa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.