Qarax ka dhacay Boosaaso & Faah faahin kasoo baxeysa

0 171

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu Caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland.

Qaraxa halka lagu aasay ayaa waxaa Bar-koontorool ku leh Ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland,waxaana la sheegay in qaraxa Miino ee Caawa uu ku dhaawacmey hal Ruux.

Saraakiisha amniga gobalka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in aysan jirin cid kale oo qaraxaasi wax ku noqotay,hayeeshee ay wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigo cidii ka danbeysay qaraxaas.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay kamid tahay deegaannada ugu amniga xun deegaannada Puntland,waxaana dhowr mar ka dhacay qaraxyo bambaano iyo toogasho lagu diley askar iyo mas’uuliyiin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.