Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0 1,339

(Radio Baidoa19.Dec .2015 ) Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 8 qof oo uu ku jiro guddoomiyihii hore ee gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa Radio Bidoa  u sheegay in baabuurku uu ku qarxay meel u dhow carwada al-Khowsar oo ku taalla wadada mashuuqka badan ee Makal al-Mukarama.

Wararka ayaa sheegaya in qarax lala damacsanaa baabuur lagu waday guddoomiyihii hore ee Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo, waxaana la sheegayaa in dhaawac fudud uu qaraxa ka soo gaaray.

Sidoo kale dadka qaraxan ku dhaawacmay  waxaa ku jira madaxa saldhiga booliska ee degmada Waabari.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa oo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsadeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.