Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho

0 362

Wararka inaga soo gaaraya inta u dhaxeysa Isgoysyada Soos iyo Ex-Control Balcad ee Degmada Heliwaa ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhacay qarax khasaare gaystay.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxa ay la kacday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo maraayay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac ah.

Gaariga oo ah midka yar ee nooca raaxadda, ayaa lagu soo waramayaa laba qof oo la socday in gabi ahaanba ay ku dhaawacmeen, halka uu bur buray gaarigii qaraxa lala eegtay.

Wararka qaar ayaa sheegaya dadka watay gaarigaasi inay ahaayeen ciidamo ka tirsan Minashiibiyada kuwa qaada lacagta canshuurta ee u shaqeeya Dowladda hoose, inkastoo aanan la xaqiijin karin arintaasi.

Ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya oo fariisin ku leh meel aanan ka fogeyn goobta qaraxa uu ka dhacay, ayaa durba halkaasi tagay, waxaana ay wadaan ciidanka Baaritaan ku aadan qaraxa miinada ee dhacay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.