Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

0 166

Wararka ka imaanaya degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax Miino oo khasaare geystay.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso, halka warar kalena ay sheegayaan in qaraxan uu ahaa mid halkaasi lagu tuuray.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan in lala eegtay Saciid Dheere oo ah sarkaal ka tirsan Millatariga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Qaraxan ayaa xilliga sarkaalka lala eeganayay waxuu ku jiray goob Tima Jare ah, iyada oo banaanka ay joogeen ilaa Saddex askari oo ilaaladiisa ka mid aheyd.

Inta la xaqiijiyay qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay Sarkaalkan oo Taliye Urur u ah ciidanka ku sugan Calamada iyo Saddexda ilaaladiisa aheyd.

Dhaawacyada ciidankan ayaa waxaa loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaa la soo sheegayaa in laba askarta dhaawacooda uu daran yahay.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna xireen aagga uu qaraxa ka dhacay, baaritaano ayay halkaasi ka sameeyeen, waxaana hada dib u soo laabtay isu socodka gaadiidka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.