Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

0 187

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax ismiidamin ah kaasoo sababay dhimasho iyo dhawac dad u badan Ciidamo.

Inta la xaqiijiyey 2 ayaa geeriyooday 6 kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray waxaana waxaana wali xarumaha caafimaad ee magaalada Gaalkacyo la gaynayaa dhaawacyo sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Qaraxan ayaa loo dhigay Taliyaha Ciidamada isku dhafka ee gobolka Mudug Sidda ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Mudug.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa Ismiidaamin.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Isku dhafka ah ayaa Risaala u sheegay” Waxaa dhintay Taliyihii iyo ciidamo kale oo badan walaal wali waxaa socda Gurmad Qaraxa waxaa uu ahaa Ismiidaamin”

Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa wali waxaa gaaraya gaadiidka deg deg ah ee sida dadka dhaawacyadda ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.