Qarax lagu dilay askar AMISOM ah

0 309

Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay duhurnimadii maanta degmada Buulburde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa ka dhacay banaanka hore ee Garoonka Diyaaradaha magaalada Buulaburde, xilli Diyaarad siday rakaab ay ka duushay Garoonka, taasi oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne.

Qaraxan ayaa la saaray geed dushiisa, geedka hoostiisa waxaa yaallay Gaari ay wateen Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM, sidaasi waxaa kula kacday Miinadii goobta la saaray.

Guddoomiyaha degmada Buulaburde Cabdi Daahir oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Askari AMISOM ah uu ku geeryooday Qaraxan, sidoo kalena uu ku dhaawacmay mid kale.

Isgaarsiinta magaalada Buulaburde ayaa mudo saacado ah hawada ka maqneyd, inkastoo markii dambe ay dib u soo laabatay.

Ciidamadan Qaraxa lala beegsaday ayaa waxa ay qeyb ka yihiin Ciidamo cusub, iyaga oo bedelay Ciidamo laba sano halkaasi ka howlgalayay, kuwaasi oo waqtiga uu ka dhammaaday.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ee degmada Buulaburde ayaa bilaabay Howlgallo amni xaqiijin ah iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii ka dambeeyay Qaraxan Ciidamada lala eegtay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.