Qarax lagu dilay Askari Jabuutiyaanka AMISOM

0 224

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino oo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti lagula eegtay gudaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay Agagaarka Garoonka ayaa la sheegay in Ciidamada ay ka war heleen, kahor inta uusan Qarxin, iyaga oo wada soo saarista Miinada la aasay ayay mar qura la Qaraxday.
Saraakiisha Caafimaadka ee Gaadiidka deg dega ah ayaa inoo xaqiijiyay in Hal Askari oo ka tirsanaa Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti uu ku geeryooday, halka laba Askari oo kalena oo ka tirsan Ciidanka Dowladda ay ku dhaawacmeen.
Ciidamadan Qaraxa lala beegsaday ayaa waxa ay qeyb ka yihiin Ciidamo cusub, iyaga oo bedelay Ciidamo laba sano halkaasi ka howlgalayay, kuwaasi oo waqtiga uu ka dhammaaday.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ee degmada Buulaburde ayaa bilaabay Howlgallo amni xaqiijin ah iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii ka dambeeyay Qaraxan Ciidamada lala eegtay.
28-kii December 2017 Qarax khasaare geystay ayaa Ciidanka Jabuuti lagula eegtay banaanka hore Garoonka Buula-burde, Qaraxaas oo geed dushiisa la saaray waxaa ku dhintay Hal Askari oo AMISOM ka tirsanaa, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.