Qarax Lagu Le’day Oo Ka Dhacay Iskuul Diinta Lagu Barto

0 81

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay 50 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii uu qarax ka dhacay iskuul diinta lagu barto oo ku yaalla dalka Pakistan, sida ay booliisku sheegeen.

Carruur ayaa ka mid ahayd dadka ku dhintay qaraxa, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka oo ka dhacay magaalada waqooyiga dalkaas ku taalla ee Peshawar.

Weli ma jirto cid sheegatay qaraxa, waxaana weli socda baaritaan.

Magaalada Peshawar, oo u dhow xadka Afghanistan, waxaa ka dhacay weerarradii ugu ba`naa, intii uu socday kacdoonka ururka Taliban sanadihii la soo dhaafay.

Lix sano kahor, rag hubeysan ayaa galay iskuul milatari oo isla magaalada ku yaalla, iyagoo halkaas ku dilay 150 qof, oo ay carruur badan ku jireen.

Si kastaba, tirada weerarrada ayaa yaraaday sanadihii la soo dhaafay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.