Qarax lala beegsaday aaska maleeshiyo Shiico ah oo18 qof oo ku dhimatay Baqdad

0 899

(Radio Baidoa, 14 November 2015 ) Ugu yaraan 18 qof ayaa Jimcihii shalay ku dhimatay weerar bambaano oo lala beegsaday Aaska loo qabanayey xubno ka tirsan maleeshiyaadka Shiicada. Weerarkan ayey sidoo kale ku dhaawacmeen dad ka badan 41 qof.
Maaha markii ugu horeysay oo ay kooxo bambaano wata isku dhex qarxiyeen dad ka qeyb qaadanayey aaska iyo goobaha ay ka dhacayaan tacsida.

Weerarkan ayaa kusoo beegamaya xili xoogaga Kurdida ee waqooyiga Ciraaq ay shalay gaareen magaalada Sinjar oo saaran wadada isku xirta xarumaha kooxda ISIS ee Raqqa (Siiriya) iyo Mosul (Ciraaq). Ciidamada Kurdida ee loo yaqaan Beshmerga ayaa gacan ka helaya Diyaaradaha Maraykanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.