Qarax lala eegtay ciidanka Kenya

0 147

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax khasaare geystay oo ciidamo ka tirsan Kenya lagula eegtay gobolka xeebta ku teedsan ee Lamu, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidanka Booliska Kenya qarax uu ku qabsaday inta u dhaxaysa degaannada Haluuqa iyo Ijaara oo ka wada tirsan gobolka Lamu.

Ciidamadan la weeraray ayaa la sheegay in ay wadeen howlo roondo ah Xilligii Qaraxa lala beegsanayay iyadoo ku dhowaad 10 Daqiiqo ay rasaas ridayeen ciidanka Kenya, sida uu sheegay Guddoomiyaha dhanka Nabadgelyada ismaamulka Lamu.

Saraakiisha laamaha ammaanka Kenya ayaa sheegay inuu jiro khasaare ciidankooda ka soo gaaray qaraxa, balse hada aanay xaqiijin karin, iyaga oo sidoo kale sheegay in kooxaha Argagixisada ay bilaabeen in ay Miinooyin ku xiraan Wadooyinka kadib markii laamaha amniga ay uga itaal roonaadeen dagaalka tooska ah oo ay kula jireen.

Shabaab war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen 7 askari oo Kenyan ah, kadib markii gaari ay saarnaayeen qabsatay Miino dhulka lagu aasay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.