Qarax Miino oo ka dhacay Muqdisho

0 164

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Waaxda Maajo ee degmada Waaberi, gaar ahaan xaafada Afasiyooni.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Radio baidoa u sheegay in Miinadan ay halkaasi kaga dhacday gaari nuuca raaxada ah oo wadada marayay, kadibna ay xigtay inay qaraxdo.

Saraakiisha ammaanka ayaa inoo sheegay khasaaraha ka dhashay qaraxan inuu yahay geerida wiil da’iidsa lagu qiyaasay 10 sano, kaasi oo xilliga uu qaraxa dhacayay ka akdhawaa goobta.

Ciidamada ammaanka oo halkaasi u tagay baaritaano ayaa in mudo ah hakiyay isu socodka wadadaasi, waxayna sameeyeen hawlgal ammaanka lagu xaqiijinayay.

Ilo xog ogaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in ciidamada ay soo qabteen laba ruux oo lagu tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen falkan qaraxa ah.

Xalay fiidkii ayaa qarax miino oo ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan meel aan ka fogeyn isgoyska Banaadir waxaa ku dhaawacantay Todobo ruux, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan u muuqda mid faraha ka sii baxay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.