Qaraxyo lagu Weeraray Magaalada Maiduguri

0 205

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta waqooyi bari waddanka Nigeria Kooxo hubeysan ayaa Weerar iyo qaraxyo culus ay kusoo qaadeen caasimadda gobolkaasi ee Maiduguri .

Ila wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa sheegaya in milateriga waddankaasi uu bannaanka magaalada kaga hortegay tira badan oo ah maleeshiyaad loogaga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin dagaalyahannada Boko Xaraam.

Dagaalyahannada Boko Xaraam ayaa qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerraro gaadma ah oo teel teel ah waxa ay ka gaystaan magaalooyinka gobolka waqooyi bari ee Nigeria.

Bishii hore ayey aheyd markii maleeshiyaadka Boko Xaraam ay si is afgarad ah ku soo daayeen gabdho iskuuley ah oo ah ka afduubteen magaalada Dapchi, kuwaas oo intooda dib ula midoobay qoysaskooda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.