Qaraxyo weyn gilgilay caasimada Lubnaan ee Beirut

0 105

Qarax weyn ayaa ka dhacay caasimada Lubnaan ee Beirut sidda Warbaahinta iyo dowladda dalkaasi ay xaqiijiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay agagaarka dekeda magaalada, iyadoo warar aan la xaqiijin ay ka yihiin qarax labaad. Ma cadda waxa sababay.

Wakaaladda wararka ee Lubnaan ee NNA iyo laba ilo wareed oo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay aagga dekeda halkaas oo ay ku yaalaan bakhaarada waxyaabaha qarxa.

“Waxaan arkay qiiq ka baxaya Beirut. Dadku waxay qaylinayeen war na caawiya, Waan dhiigbaxeynaa . Balakoonnada ayaa laga daadiyay dhismayaasha. Muraayadaha dhismayaasha dhaadheer leh ayaa dumay oo ku dhacay wadada” ayuu yiri goobjooge.

Idaacadda LBC ee maxalliga ah ayaa soo xigatay wasiirka caafimaadka isagoo leh “tiro aad baa dhaawac ah.

Telefishinka Al Mayadeen ayaa sheegay in boqolaal ay dhaawacmeen, islamarkaana wali uu socdo gurmad.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.