Qaraxyo xoogan oo maanta ka dhacay maqayad ku taala isgoyska Beyxaani eemagaalada muqdisho

0 395

QAEAXApril 9 (RadioBaidoa)— Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay Maqaayad laga cunteeyo oo ku taal agagaarka Isgoyska Beexaani ee degmada Shibis, iyadoo qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray oo lala beegsaday Maqaayada Rajo Restaurant oo ku dhow Hotelka Global.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo u badnaa dad rayid ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya Radio Baydhaba in dadka qaraxa ku dhintay ay ku jiraan caruur caseeyeyaal iyo kuwa baabuurta dhaqa oo banaanka maqaayada ku sugnaa.

Maqaayada ayaa ah maqaayad laga cuno raashinka loo yaqaano wadaniga sida Muufada, Soorta iyo raashinka kale ee caadiga ah, waxayna ka mid tahay maqaayada raqiiska ah.

Baabuurta loo yaqaano gurmadka deg dega ayaa goobta soo gaaray, kuwaasoo qaadayay dhaawacyada maqaayada.

Xilliga Qaraxa dhacayay ayaa aheyd xilliga qadada oo dad badan ay gudaha Maqaayada ku jireen, lama haayo wali tiro rasmi ah oo ku aadan dhimashada iyo dhaawaca qaraxa ka dhashay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.