QM; 22 malyuun oo qof oo Yemeni ah oo u bahaan gargaar degdeg ah

0 262

Geneva(SPO)-Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in in ka badan 22 malyuun oo qof ay u baahan yihiin gargaar dalka Yemen, halkaas oo ay sii kordhaysa halista inay haleesho oo abaar sababo la xiriira is-diida u dhaxay xuuthiyiinta ay taageerto by Iran iyo maamulka uu taageero Sucuudigu

Waxa lagu xusay warbixin cusub oo uu soo saaray Xafiiska Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay, in 22,2 malyuun oo Yemeni ah oo u dhigma 76% dadweynaha ay u baahan yihiin gargaar dalkan saboolka ah, taas oo ay korodhay 1.5 malyuun oo qof ka badan 6dii bilood ee la soo dhaafay gudaheed.

Warbixitan ayaa intaa ku dartay inay sii kordhayso halista macluul haleesha 8.4 malyuun oo qof oo imika ahaan ay hayso gaajo, marka la barbar dhigo 6.8 malyuun sannadkii 2017.

Tirooyinkan ayaa waxa ku jira in ka badan kala bar gobollada dalka, kuwaas oo 72 kamid ah 95 ka ay ka kooban yihiin ay halis ugu jiraan macaluul.

Warbixintu waxay intaa ku daray in ka badan 1,500 dugsiyo ah oo ku yaalla dalka ay la kulmeen waxyeello ama gabi ahaan ba la burburay natiijada ka dhalatey dagaalka socda 3da sanadood iyada kooxaha hubeysan sidoo kale ay degan yihiin qaar ka mid ah dugsiyada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay sanadkii la soo dhaafay in Yemen ay ka dhacays “dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ugu ba’an dunida”.

Dhanka kale Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa sheegay in cudurka shuban-biyoodku uu aad ugu faafay dalka Yemen kaasoo bishii April sahayda nolosha in ka badan 2,200 oo qof.

Dalka Yemen oo ah mid kamid ah dalalka dunida ugu saboolsan ayaa waxa ka socda dagaalo ba’an oo ay horseedeen argagixisada shiicada xuutiyiinta ee tirada yar iyo kaligii-taliyihii hore ee ay gacantooda ku dileen marka lagu faragelin ciidan oo uu hor kacayo qoyska Sucuudiga tan bishii Mars 2015 .

Dagaaldan ay sababeen argagixisada shiicada xuutiyiinta ee uu taageero taliska Iran oo xoog ku qabsaday gobolo badan oo kamid ah dalka iyaka oo taageero ka helaya kaligii-taliyiihi hore ayaa waxa ku dhintay in ka badan 8750 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 51 kun oo ay ku jiraan tiro badan oo ah dad rayid,marka lagu daro barokaca malaayiin qof.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.