QM oo dalbaday in la dhameystiro Dastuurka ka hor Doorashada

0 315

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta la kulmay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

Wakiilka ayaa kala hadlay Wasiirka qodobbo ay ka mid yihiin dib u eegista Dastuurka iyo muhiimadda ay u leedahay doorashada qorsheysan ee 2020.

Waxaa uu sidoo kale kala hadlay baahida loo qabo wadahadal qaran oo laga yeesho arrimaha muhiimka ah ee Dastuurka. Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen taageerada Qaramada midoobay ee la xiriirta wacyigelinta ololaha Dastuurka iyo baahintiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka dalka, islamarkaana Qaramada Midoobay ka codsadeen in loo muujiyo taageero.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.