QM oo xaqiijisay in ruux la shaqeeynaayay laga helay Cudurka Corona Virus.

0 161

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay maanta in shaqaale caalami ah oo ka shaqeeya shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ku leh Qaramada Midoobay laga helay cudurka coronavirus (COVID-19).

Ruuxa ayaa ka howlgallaayay Shirkad gaar ah loo leeyahay oo Qandaas kula jirta Qaramada Midoobey, islamarkaana ka howlgasha Garoonka Aadan Cadde.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in ay ku wargalisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya xilli hore oo Saaka ah.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa shalay sheegtay inay soo kordheen laba kiis oo Covid-19 ah, mid waa muwaadin Soomaali ah, midna waa Ajnabi.

Tirada guud ee dadka qaba Coronavirus ee Soomaaliya waa 7 ruux, tirada bogsatay waa hal ruux kaliya, majirto dhimasho illaa hadda la diiwaangeliyay oo Covid-19 gudaha Somaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.