Qoor Qoor Oo Hortegaya Aqalka Sare Ee Dalka

0 47

Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta oo tallaado lagu wadaa inuu hortego Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si uu uga qeyb kulankooda.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa khudbad xasaasi ah ka jeedin doono Xarunta Aqalka Sare, taas oo uu uga hadli doono arrimo kala duwan, sida Arrimaha Galmudug, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashada.

Sidoo kale inta uu socdo kulanka Aqalka Sare ayaa waxaa Senatarada Golaha ay su’aalo weydiin doonaan Madaxweynaha Maamulka Galmudug, isagoona ka Jawaabi doona, sida uu qorshahu yahay.

Xalay ayaa waxaa Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya loo diray farriimo ku aadan in Maanta uu jiro, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulanka, maadaama uu hortegayo Qoorqoor.

Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa horey u hortegay Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe, iyagoona Khubad ka jeediyay halkaas, una hadlay arrimo kala duwan, sidoo kalena la weydiiyay su’aalo dhowr ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.