QoorQoor Oo kulan gaar ah la qaatey Saraakiishii Ahlusunna Waljamaaca ee Horaantii todobaadkan Sheekh Shaakir uu wareejiyay[SAWIRO]

0 305

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ayaa caawa kulan gaar ah la qaatey Saraakiishii Ahlusunna Waljamaaca ee Horaantii todobaadkan Sheekh Shaakir uu wareejiyay .

Kulankan ayaa looga hadlay kaalinta Ciidamadan ay ka qaadan karaan howsha sugida amniga iyo la dagaalanka Alshabaab , saraakiisha oo ka kooban dhamaan laamaha Ciidamada qalabka sida ayaa balan qaadey in ay diyaar u yihiin adeecida madaxda Galmudug iyo gudashada waajibaadka qaran ee laga sugayo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa dhankiisa Saraakiishan Ku booriyay in ay sii wadaan kaalinta laga sugayo ee ah ka qayb ahaanta dowladnimada iyo ka miro dhalinta yoolka ah in si wadajir ah lagu xoreeyo Deegaanada Ku jira gacanta Cadawga.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.