DAAWO: Barnaamijka Dareenka Shacabka oo Xalay Diirada Lagu Saaray Ra’iisal Wasaaraha Soo Socda Iyo Ilyaas Qalinle oo Ku Tuntay Madaxda Muqdisho

0 895

Barnaamijka Dareenka Shacabka ee ka baxa Horn Cable Tv ayaa xalay diirada lagu saaray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Muqdisho ee saacadaha soo socda la magacaabi doono.

1. Agaasimaha Warbaahinta Ishabaydhaba Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa dooda ka qayb galay wuxuuna Qalinle doodiisa ku taabanayey ama uu tilmaamo ka bixinayey habka dhaqanka Madaxda Dowlada Muqdisho, isagoo soo daliishaday Maahmaahdii aheyd (Lankii Hordareershay Kaakow Nogodi Bakti Aamow Ma Hurow) iyo Erayo kale oo ku wajahnaa Madaxda Muqdisho.

2. Injineer C/naasir Garaad Abshiroo isagu ah aqoon yahan la soo shaqeeyay Dowladii hore ee Kacaanka ayaa isna dooda ka qayb galay isagoo bixiyay talooyin badan.

3. Ambasador C/rashiid Aadan Seed ayaa isna khadka telefoonka uga qeybqaatay Barnaamishka wuxuuna ku dheeraday sida loogu baahanyahay in horey loogu sii socdo si horumar loo gaaro.

Halka Hoose Ka Daawo Dooda Dareenka Shacabka oo Xalay Aheyd Mid Ka Duwan Kuwii Hore.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.