Ra,iisalwasaare Khayre oo balan qaad u sameeyay Ciidamada Booliska

0 243

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay dhibaayinka adag iyo xaaladaha ay wajahaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kadib Munaasabad daba socotay dabaaldegga maalinta Ciidanka Booliska 20-ka December oo xalay ka dhacday Muqdisho.

Khayre ayaa sheegay qof walba in looga baahan yahay inuu is xisaabiyo, kaasi oo ku aadan xaaladaha adag ee ay ku shaqeeyaan Ciidamada Booliska, loona baahan yahay in la garab istaago, si ay u helaan niyad furnaan iyo dhiiragelin.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in Ciidamada Booliska Soomaaliya hada aysan heysan agabka ay u baahan yihiin, balse wuxuu balan qaaday inuu dhameystiri doono wax walba oo ay u baahan yihiin Booliska oo ay ka mid yihiin xaqa iyo xuquuqda ay leeyihiin.

Waxaa la xusuustaa 14-kii bishan in Qof watay Jaakad ay ka buuxeen walxaha qarxa uu isku qarxiyay barxada Iskool Pluzia oo ay subixii ku tababartaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo isku diyaarinayay xuska aasaaska Ciidanka Booliska oo 20-ka December ku aadan.

Inta la xaqiijiyay 18 Askari oo Boolis ah ayaa ku dhimatay 15 kalena way ku dhaawacmeen Qaraxii Ismiidaminta ee ka dhacay xarunta Tababarka Booliska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Booliska Qaramada Midoobay iyo Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa hada tababar bixinaya si ay gacan uga geystaan nidaamka cusub ee howlgalinta Booliska Soomaaliya, AMISOM-na waxay bilowday Qorista tababaridda Dadka ka mid noqon doona Booliska heer Dowlad-goboleed, tani waxay gacan ka geysneysaa kor u qaadidda awoodda Saraakiisha Booliska, si ay u sugaan ammaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.