Ra’iisul Wasaare Khayre oo Garowe kaga qeyb galay Xaflad qalinjebin ah

0 155

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo magaalada Garowe uga qayb galay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay arday ka qalin-jebisay kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda Puntland (PSU) ayaa ku dhiirri geliyay qalin-jebiyaasha in aqoontooda ay ugu adeegaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa hambalyeeyay qalin-jebiyaasha, waxa uuna u mahadceliyay waalidiinta ardayda, dawlad gobaleedka Puntland, maamulka iyo barayaasha jaamacadda isaga oo sheegay in maanta ay tahay maalin ku wayn qalin-jebiyaasha iyo ummadda Soomaaliyeed inteeda kale.

“Idinkana waan idiin hambalyeyneynaa, waalidiintii idinku soo dadaalayna waan u mahadcelinayaa. Maanta waxa ay idiin tahay maalin wayn, Soomaaliyana maalin weyn ayey u tahay”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u rejeeyay qalin-jebiyaasha in shahaadooyinka ay qaateen maanta ay noqdaan kuwii ay ku hagaajin lahaayeen dalka oo ay ku gaarsiin lahaayeen maqaamka ay mudantahay Soomaaliya in ay ka gaarto nolosha iyo ilbaxnimada dunida, waxa uuna kula dardaarmay in aqoontooda sii kordhiyaan maadaama ummaduhu ay u kala fursad wanaagsanyihiin sida ay u kala aqoon badanyihiin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.