Rai’sul wasaaraha Israa’iil oo eedeyn kulul u jeediyay Iiraan

0 180

Benjamin Netanyahu Rai’sul wasaaraha Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in dowladda Iraan ay dooneyso in ay adduunyadda qalado, islamarkaana ay sameysanayso hubka Nukleerka si qarsoodi ah.

Waxa uu Netanyahu sheegay in cadeyn ay u hayaan in Iiraan ay ku howlan tahay samaysashada hub Niyukleer ah.

Mr Netanyahu oo ka hadlayay telefishinka dalkaasi ayaa sheegay in dalkiisa ay haleen kumannan fayl oo ku saabsan in Iiraan ay si qarsoodi ah u waddo barnaamjkeeda Niyukleerka.

Waxaa uu ku eedeeyay in ay ka been sheegayso barnaamijkeeda Niyukleerka.

Isaga oo soo bandhigay qaar ka mid ah waxyaabahani , waxa uu sheegay in dikumiintiyadani ay daaha ka rogayaan faahfaahin ku saabsan barnaamijkaa Niyukleerka Iiraan.

Rai’sul wasaaraha Israa’iil ,Benjamin Netanyahu, ayaa xusay in iyada oo ay jirto in Iiraan ay beesh caalamka kula heshiisay 2015 in ay joojinayso barnaamijkeeda Niyukleerka balse hadana ay sii wado hormarinta barnmijkeeda Niyukleerka.

Wasiirka arrimaaha dibadda ee Iiraan, Javad Zarif, ayaa ku tilmaamay eedeynta cusub ee Israa’iil in ay tahay middii hore oo dib loo soo cusboonaysiiyay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.