RW Kheyre oo kusii jeedda Brussels

0 166

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa kusii jeedda Magalaada Brussels ee Dalka Belgium-ka.

Waxaa uu ka qeyb gali doonaa Shir looga hadlaayo Ammaanka Soomaaliya oo ka furmaya Magalaada Brussels ee Dalka Belgium-ka, kaasoo looga hadli doono wakhtiga kala guurka oo ah xilliga la filayo inay Dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga Dalka.

Shirkaan ayaa waxaa ka horreeyay shir u dhexeeyay Beesha caalamka, wakiillo matalaya hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qayb ka ah qorshayaasha ugu waaweyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud kasoo todobaadkii hore lagu qabtay Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.