RW kuxigeenka dalka oo furay shirka Billaha ah ee looga hadlo Mashaariicda horumarineed

0 148

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa Magaalada Muqdisho ka furay maanta shirka Billaha ah ee looga hadlo Mashaariicda horumarineed ee Dalka ka socda,Amniga iyo Siyaasadda.

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka ,Safiirada Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya iyo Hay’adaha gar-gaarka ee Qaramada Midoobey.

Sidoo kale inta uu socda shirkan qodobada looga hadlayo waxaa kamid ah Fatahaadaha Dalka ka jira iyo sida Dowladda iyo Beesha Caalamka uga jawaabeen Masiibooyinkan saameynta ku yeeshay Dadka Soomaaliyeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.