Safaaradda Mareykanka ee Somalia oo Visa u diiday Xasan Sheekh

0 241

Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo diiday dal-ku-galka “Visa” Mareykanka, taasoo keentay in la joojiyo khudbad uu ka jeedin lahaa xarunta Marriott Sable Oaks, 2 ee Koonfurta Portland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay inuu ka hadlo Golaha arrimaha caalamka ee Gobolka Maine, isagoo qodobka uu ka hadli lahaa uu ahaa: “Somalia the Crossroads: Opportunities + Challenges Post-Civil War”, laakiin madaxa ururka casuumay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cudurdaar ay soo diray ku sheegtay inay aad uga xun tahay in Mudane Xasan Sheekh ay safaaradda Mareykanka ee Somalia u diido Visa-ha Mareykanka.

Safaaradda ayaa ku dooday in Soomaaliya ka mid tahay lix dal oo muslim ah, kuwaasoo xayiraad socdaalka ah uu ku soo rogay Mareykanka, taasoo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh awoodi waayo inuu ka xaadiro dalka Mareykanka

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.