Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso

0 205

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tagay Boosaaso.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, waxay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay taageero dhanka Horumarinta ay siin doonto maamulka Puntland, waxaana sidoo kale Safiirka uu sheegay in loo baahan yahay in dib loo soo celiyo xiriirkii dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.