Saldhig Cusub oo laga Hirgaliyey Degmada Cadale

0 201

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan kheyre ayaa Maanta waxaa uu xariga ka jray Saldhig Boolis oo laga hirgeliyey degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saldhigaan ayaa waxaa ku howgeli doona Ciidamo farabadan oo Boolis ah,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugida Amniga degmada Cadale iyo deegaannada hoostaga,waxaana munaasabad lagu qabtay degmadaas ka qeyb galay Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Saldhigaan uu muhiim u yahay Bulshada ku nool degmada Cadale,isla markaana Shacabka looga baahan yahay inay Ciidamada la Shaqeeyaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.