Saraakiil Kasocda Midowga Yurub oo soo Gaarey Baydhabo.(Sawiro)

0 171

Saraaakiil Kasocdey Midowga Yurub ayaa Maanta soo Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xaruunta kumeel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed waxaana soo dhaweeyeen Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafuudaan ayaa maanta waxay kulan la qaateen ku simaha madaxweynaha dowlada kgs xasan xusen maxamed xasan ee laay oo ah wazirka amniga gudaha maamulka.

Wafdigan Kasocdey midowga yurub ayaa Ujeedka Safarkoodu Wuxuu ahaa in ay ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay ka Caawiyaan Arimaha Ciidanka sida towbarida iyo qalabeynta ciidamada kala duwan ee maamulka uu leeyahay.

Sidoo Kale Saraakiisha wafdigan ayaa sheegey in ay kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan isku furka wadooyinka ugu muhiimsan ee iska kala goosha gobalada Baay Bokool iyo shabelada hoose.

Maxamed Yasiin Abdulaahi oo ah agasimaha guud ee wasaarada amniga gudaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa faah faahin uu ka bixiyey ujeedada ay u yimaadeen sarakiishan ka socotey midowga yurub.

“Waxaa ay Kulan Layeesheen Kusimaha Madaxweynaha Koonfur galbeed iyo Saraakiisha ciidanka Koonfur galbeed,Waxay Kala hadleen Arimo badan oo ay Kamid Yihiin Amniga,Qalabeynta Ciidanka Iyo Hawgalada”

Sarakiisha KGS ee maanta kulan kan ka qeyb gashey ayaa Waxay Kasocdeen midowga yurub in ay ka taageeraan maamulka dhinacyo badan oo ay kamid yihiin amniga iyo wixii la halmaala.

waxaana lafilayaa in bishan soo socto sadaxdeeda markale ka furmidoono magalada baydhabo kulan kan ka Lamid ah oo ay la qaadan doonan madaxda maamulkan ugu sareyso.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.