Saraakiil sarsare Al shabaab ah oo isa soo dhiibey

0 278

Hogaamiyayaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab ayaa isku dhiibey ciidamada dowladda ee ka dagaaalama gobolka Bakool

Horjoogayaashan oo ka soo goostay xogagga Al-shabaab ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa sheegey in ay iskaga baxeen Al-shabab islamarkaana hadda wixii ka dambeeya ay ku biireen dowladda Soomaali lana dagaalami doonaan Al-shabaab.

Xubnaha ka soo baxay Al-shabaab ee dowlada isku soo dhiibay ayaa waxaa ka mid ah Macalin Geedow Aadan Abuukar oo ah hogaamiye Al-shabaab u qaabilsanay gobolka Baay, sidoo kale waxaa uu ahaa taliyaha dagaalamayasha Al-shabaab ee gobolkaasi sida sheegtay.

Macalin Geedow Aadan oo la hadlay warbaahint ayaa sheegay in uu la socdo Cabdiraxmaan Fiiloow oo ahaa hogamiyaha Al-shabaab ee gobolka Gedo sababtana ay uga soo baxeenna tahay in Al-shabaab badaleen fikirkii markii hore lagu dagaalamayay.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale waxaa isku soo dhiibay hogaamiyaal sare oo ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo ku eedeyay Al-shbaaab in ay hareer mareen fikirki la aaminsanaa in lagu dagaalamo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.