Sarkaal Al Shabaab ah oo isu dhiibey Ciidanka Xooga Dalka (SAWIRRO)

0 209

Xuseen Maxamuud oo Shabaab dhexdeeda looga yaqaano Ramadaani, kana mid ahaa ururka Al-shabaab, ayaa isu-soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka Baarsanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xuseen, ayaa Shabaab waxa uu u qaabilsanaa Aruurinta lacagaha Zakawaadka loo yaqaano oo Shabaab ay ka qaadaan dadka shacabka ah, sidoo kale waxa uu madax u ahaa qeyb ka mid ah raga amniyaadka ah ee fuliya dilalka qorsheysan.

Taliyaha howlgalinta Ciidanka Xoogga ee qeybta 43-aad G/sare Ismaciil Shiikh Isxaaq oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Xuseen Maxamuud Ramadaani isa soo dhiibistiisa ay timid, iyaddoo Shabaab dhexdeeda uu ka jiro Khilaaf.

Xuseen Maxamuud Ramadaani oo ah Sarkaalka isku soo dhiibay Ciidanka oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida, ayaa sheegay in uu ka qeyb qaatay dagaalo badan, islamarkaana uu go’aansaday inuu isaga baxo Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.