Sarkaal Shabaab ka tirsanaa oo maanta isku dhiibay KGS

0 239

Waxaa manta magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu iska soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa ururka Al-shabaab.
Saraalkan Shabaab ka tirsanaa ee is dhiibay oo lagu magaacbo Macalin C/raxmaan, iskuna dhiibay Ciidanka Koonfur Galbeed ayaa hada waxaa gacanta ku haya Taliyaha Booliska Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan.
Saraalkan Shabaab ka tirsanaa ayaa ka yimid degaanka Labaatan Jirow oo ka trirsan Gobolka Baay, wuxuuna markii uu ka soo tagayay halkaasi uu ku soo baxay inuu soo fiirsanayo Beer uu ku leeyahay magaalada Baydhabo.
Tan iyo markii degaanada Koonfur Galbeed uu gaaray Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa waxaa jirtay in ay isa soo dhiibayeen xubnaha Shabaab ka tirsan ee sida dhuumaaleysiga ah ku jooga magaalada Baydhabo, kuwaasi oo warar soo baxayay ay sheegayaan in Roobow uu ku cadaadinayay in ay isa soo dhiibaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.