SAWIRO;-Madaxweyne Laftagareen Oo Daahfuray Shirka Horumarinta Xoolaha Dalka

0 88

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Daahfuray Shirka Horumarinta Xoolaha Dalka oo Maanta Baydhabo ka Furmay,

Shirkan uu Maanta Daahfurey Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedyada iyo mida Dowlada dhexe ee Fedaraalka Soomaaliya,

Shirkan ayaa socondoona mudo Labo Maalmood ah ayaa waxaa looga hadlayaa sidii lagu Horumarinlahaa Xoolaha loona Tayeynlahaa iyo sidii ay u heli lahaayeen Daaq ku filan,

Barnaamijkan Horumarinta ah ayaa waxaa gacan ka geysanaya oo Caawinaya Hay,adda FAO iyo EU da,

Shirkan Maanta Furmaya ayaa waxaa ka hadley Wasiirada Xanaanada Xoolaha Dowlada dhexe Maxamuud Sheekh Xuseen Badni iyo midka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed,

Ugu dambeyn waxaa meesha ka hadley Madaxweynaha Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen waxaana uu sheegey in shirkan muhiimad gaar ah uu u leeyahay Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed asagoona ku Ammaaney Dowlad Goboleedyada sida ay uga soo qeybgaleen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.