Sawiro;-Madaxweyne Laftagareen Oo shirgudoomiyey Shirka Golaha Wasiirada KGS

0 110

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Shir Gudoomiyey Shirka Khamiislaha Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed,

Shirka Golaha Wasiirada ee uu Shir Gudoominayey Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa looga hadley Arimo ay kamid yihiin Ammaanka, Isgaarsiinta,Degadaha,Horumarinta Dhaqaalaha iyo arimo kale,

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale Warbixino looga Dhageystey qaar kamid ah Wasiirada Koonfur Galbeed waxaan ay sheegeen Howlaha Shaqadooda in ay u socdaan sidii loogu talagalay,

waxaa sidoo kale warbixino looga dhageystey Gudigii dhawaan uu magacaabey Madaxweyne Laftagareen ee ahaa Guddi isugu jirey wasiiro saraakiil Maamulka Degmada kan Gobolka iyo Laamaha Amniga ee loogu talagalay ka shaqeynta sidii dib uhabeyn loogu sameyn lahaa Guryaha soo galey Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ee Shaatigaduud sidii looga durkin lahaa kuwaas oo ah kuwo si sharci darro looga dhistey Goobaha Danta Guud waxayna ka warbixiyeen halka ay wax u marayaan,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Guud ahaan wasiirada uga mahadceliyey sida ay uga go,antahay u adeegida Bulshada ay matalayaan ee Koonfur galbeed isagoona Bogaadiyey Dadaalkooda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.