[SAWIRO]-Sheekh Caan ah Oo Baydhab soo Gaarey

0 265

Sheekh Xassan Waajidi oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Sida Weyn Looga yaqaano Deegaanada Soomaalida ayaa Maanta soo gaarey Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ,

Sheekha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ShaatiGaduud ee Baydhabo ku soo dhaweeyey ,Wasiiro, Xildhibaano Agaasimiyaasha Wasaaradeed ,Gudoomiyaha Degmada Waajid ee Gobolka Bakool iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Sheekh Xassan Waajdi oo kamid ah Culimada Sida weyn loogu Jecelyahay Deeganada Koonfur Galbeed ee Maanta soo gaarey Baydhabo ayaa waxaa uu sheegey in uu Muxaadaro ku qaban doono Masjidka Weyn ee [Masjid Jaamac] Asagoona sheegey in uu la kaashan doono Dowlad Goboleedka KGS.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.