SAWIRO:-Sheekh Shariif oo soo gaaray Baydhabo lana kulmay Laftagareen

0 62

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Dr. Cali Siciid Fiqi, Guddoomiyaha Golaha dhexe Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Senator Ilyaas Cali Xasan oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo Qaran, Xildhibaanno heer deegaan iyo heer Federal ayaa ka qayb qaatay dhaweyntasoo dhaweynta Wafdiga.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa ayaa shir Xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed kula leh Madaxweyne C/cassis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.