(Sawiro): Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Kenya oo Baydhabo Gaarey

0 482

Xilibaanada ka tirsa Baarlamaanka Dowlada Kenya ee maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay waxaa hogaaminaya Xilibaan Ilyaas Barre Shiil.
Waxey kulan Madaxtooyada Koonfur Galbeed kulan ay ku qaateen Madaxweynaha Dowlada Konfur Galbeed Mudane Shariif Xassan, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah labada Gole ee Mamulka Koonfur Galbeed.
Kulanka Madaxda Koonfur Galbeed iyo xilibaanada Dowlada Kenya ka socday waxaa saxaafada si wada jir ah ula hadlay Wasiirka Warfaafinta Konfur Galbeed iyo Xilibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah Xilibaanada Dowlada Kenya.
Wuxuu sidoo kale Xilibaan Ilyaas Barre Shiil uu ka hadlay go’aankii dhawaad Dowlada Kenya ay qaadatay ee ahaa in ay xireyso Xiryaha qaxootiga ee ku yaal dalkaasi Kenya.
Xilibaanada ka tirsan Baarlamanka Kenya ee maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa ka kooban gudiga difaaca iyo arimaha dibadda ee Baarlamanka Dowlada Kenya.
Wasiirka Warfaafinta koonfur galbeed xasan cabdi maxamed oo saxaafada la hadley isagoona soo dhoweeyey ugu horeyn wefdiga isagoona wasiirka soo dhoweeyey wefdiga xildhibaanada dowladda kenya ka socdey oo baydhabo maanta soo gaarey,

xildhibaan Ilyaas barre sheel oo uu uu hogaaminayey  xildhibaanada baarlamaanka dalka kenya gaar ahaan gudiga difaaca iyo arimaha dibada oo maanta baydhabo soo gaarey.

 

Maxamud Ibrahim Timacade

 

IMG_8279 IMG_8282 IMG_8288 IMG_8301 IMG_8306 IMG_8310 IMG_8312 IMG_8327 IMG_8347 IMG_8355 IMG_8368 IMG_8447

 

 

 

 

 

 

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.