(sawiro)Kulan baraarujin ah oo lagu qabtey Degmada Diinsoor

0 253

Maamulka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay oo kaashanaya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Bulshada ku nool Degmada Diinsoor waxaa ay u qabteen kulan baraarujin ah.

Kulankaaasi oo ku saabsanaa sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen Maamulka iyo Bulshada
waxaana goob joog ka ahaa oo ka qeybgaley Gudoomiyaha arrimaha Bulshada islamarkaana ah
kusimaha Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Abshir Macalin Shariif.

Bulshada ku nool Degmada Diinsoor qeybaheeda kala duwan ayaa sidoo kale ka qeybgaley sida Haweenka Odayaasha Dhallinyarada waxaana ay si weyn u soo dhaweeyeen wadashaqeynta maamulka uu u soo jeediyey.

Gudoomiyaha arrimaha Bulshada islamarkaana ah
kusimaha Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Abshir Macalin Shariif ayaa u sheegey Bulshada ka qeybgashey kulankaasi in aan horumar lagaareyn haddii aan wadashaqeyn dhaxmarin Maamulka iyo Bulshada.

Abshir Macalin Shariif ayaa ugu dambeyntii Kula dardaarmey Bulshada si looxaqiijiyo amniga horumarna loo gaaro in ay si wanaagsan ay ulashaqeeyaan Maamulka Degmada Diinsoor

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.