Sawiro;Madaxweyne Laftagareen Oo Maanta qaabiley Wafdi ka socdey Denmark

0 235

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa maanta Xafiiska ku Qaabiley Wafdi ka socdey
Safaarada Denmark,

Kulankan Madaxweynaha iyo Wafdigan ka socdey Dowladda Denmarka ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinayey Wasiiradda Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya
Marwo Faaisa Shariif Nuur iyo Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Baafo,

Kulankan mudada socdey ayaa waxaa ay uga wada hadleen Deeqaha Dowlada Denmark ay soo gaarsiiso Soomaaliya gaar ahaan Koonfur Galbeed oo ay kamid yihiin Dib u heshiisiinta iyo wada shaqeynta Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada dhexe iyo Denmark,

Madaxweyne Laftagareen ayaa Wafdiga Sharaxad weyn ka siiyey Xaaladaha Deegaanadan Koonfur Galbeed iyagoona sidoo kale wafigaasi dhankooda ku Ammaaney Madaaxweyne Laftagareen waxqabadkiisa mudada yar ee kooban iyo Maamul wanaaga waxaana ay ku booriyeen in uu sii labab laabo shaqadaasi iyo sida uu ugu adeegayo Bulshada Deegaanada Koonfur Galbbed,

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Asagana dhankiisa ka codsadey Wafdiga Dalka Denmark ee ay hogaamineysey Safiirada Denmark ee Soomaaliya Ms Anderson in ay iyaguna sii laba jibaaraan Howlaha Taageerada dhinacyada Badan leh ee ay ka wadaan Deegaanadan Koonfur Galbeed Soomaaaliya,

Dowlada Denmark iyo Saaxiibada kale ee Beesha Caalamka ee Soomaaliya Taageerada siiya Gaar ahaan Koonfur Galbeed ayaa Marwalba Amaan iyo Bogaadin u jeediya maamulka Koonfir Galbeed ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Laftagareen iyo sida ay uga go,antahay u adeegida Bulshada uu Hogaamiyo waxaana Dowlada Denmark ay iyaduna Ballan qaadey dhankeeda in ay si dhow ula shaqeyn doonto Maamulkiisa,

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.