SAWIRO;Madaxweyne Laftagareen oo Nairobi kula kulmey Deeqbixiyaasha Taageera Somaliya

0 90

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo Safar Shaqo ku jooga Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ayaa Kulan la Qaatay Hay.addaha Somaliya Ka caawiya Mashaariicda Hormarineed,

Waxaana uu kala Hadlay Sidii Koonfur Galbeed ay Qeyb uga Noqon lahayd Mashaariicdaasi isla markaana loo gaarsiin lahaa Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Qaar kamid ah Madaxda Hay.addaha ayaa Madaxweynaha Ka Dhageystay Qorshahooda 4ta Sano Mashaariicda ay Doonayaan inay ka Fuliyaan Gobolada Baay Bakool iyo Shabeelaha Hoose,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Madaxda kala Hadlay Kordhinta Mashariicda Si Bulshada Reer Koonfur Galbeed ay uhelaan Adeegyo Dhamaystiran.

Dhanka kale Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Magaalada Narobia kula Kulmay Safiirka Dowlada Masar ufadhiya Somaliya Waxayna kawada Hadleen Mashaariicda Dowlada Masar ay kawada Somaliya Sidii ay Qeyb ugu Noqonlahayd Koonfur Galbeed
Waxaana Safiirka uu Sheegey in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka Caawin Doonan Dhinacyada Cafimaadka iyo Waxbarashada
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa Dhankiisa Umahaceliyey Dowlada Masar Garab istaaga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.