SAWIRO;Raadiyo Baydhabo Oo Maanta Abaalmarin bixiyey

0 230

Raadiyo Baydhabo oo kamid ah Idaacada ka shaqeeya Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya uguna Dhageysiga badan isla markaana ay Xaruntiisana tahay isla Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa ay bixisey Abaal marinadii Tartan Aqooneedka ee bishii Ramadaan oo Sanadkasta Xiligan oo kale marka uu soo dhowyahay Tartanka kale ee Bisha Ramadaan ay bixin jirtey si loogu diyaar garoobo kan kale ee xiga,

Waxaa Tartan Aqooneedka Raadiyo Baydhaba taaba gelisey dhanka Su,aalaha Gan ka siinayey Jaamacada B I U ee Baidoa International Unversity iyo Tayo Hospital ee magalada Baydhaba oo gacan ka siinayey Idaacada Radio Baidoa,

Waxaa kaalinta koowaad ka gallay Tartar Aqoonaadkaasi ee Bisha Barakeysneyd ee ay daadihinayay Raadiyo Baydhaba Xaafada Salaamey ee magaalada Baydhab Halka kaalinta labaadna ay gashay Xaafadda Wadajir ee magalada Baydhaba.

Waxaana la gudoon siiyay Labadii Xaafadood ee labada kaalimood kala galey ee kalinta koowaad iyo kaalinta Labaad Lacago Abaal marino ah oo ay ugu tala gashey Idaacada Raadiyo Baydhabo ee Magaalada Baydhabo,

Gudoomiye ku xigeenka Ururka Saxafiyiinta Qarnka ahna Gudoomiyaha koowaad ee Ururka Suxafiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa halkaa ka jeedayay Erayo qiimo badan isla markaana dhiira gelin u ah Dhalinyaradii u kala Tartamayey Labada Xaafadood Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Maamulka Cisbitalka Tayyo iyo maamulka Jaamacada B I U ee Baidoa International Unversity ,

Ugu dambeyn Agaasimaha Radio Baydhaba mudane Xasan Cali Hafow iyo Tafatiraha Idaacada Axmed Cabdulqaadir Yarow oo iyaguna Goobta ka hadlay waxaana ay Bogaadiyeen Guuleystayaasha Labada Xaafadood Ayagoona sido kale Amaaney Shaqaalaha Idaacada Raadiyo Baydhaba oo uu sheegeen in ay u soo dhabar Adeegeen mudadii uu socday Tartan Aqooneedkaasi,

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.