SAWIRO;Tababar loo furay Ergada dooraneysa 21-ka Xubnood ee Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor

0 270

Wasiirka Arimaha gudaha Dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Abuukar Cabdi ayaa Maanta Tababar ku saabsan qaabka loo xulayo Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor u furay Ergada dooraneysa 21-ka Xubnood ee Golaha Deegaanka,

Ergadan ayaa ka waxaa ay ka koobantahay 100 Xubnood oo ka kala yimid Afarta Beelood ee wada degta Degmada Diinsoor waxaana la bari doonaa qababka Golaha Deegaanka ay u dooranayaan oo u fududeynaya sidii wax walba ay ugu dhici lahaayeen sidii loogu talagalay,

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Mohamed Abukar Cabdi oo daah-furey tababarka 100-ka Ergo ayaa ku adkeeyey in ay soo saaraan Dad Deegaankan samata bixin kara una dulqaadanaya waxkasta oo ka hor yimaada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.