SAWIRRO: Guddoomiye Yariisow oo kormeeray Wadada Sodonka ee Muqdisho

0 211

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan “ Eng Yariisow “ ayaa maanta booqasho ku tagay Wadada Sodonka ee Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow waxaa koormeerka ku wehlinaayay masuuliyiin ka tirsan gobolka banaadir, waxa uuna la kulmay Masuuliyiinta degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Wadada Sodonka ayaa waxaa ka socda howlo dayactir iyo dib u dhis ah, waxa uuna maraya gabgabo.

Waxa uu warbixin ka dhageystay Injineerada ku howlan dhismaha wadada Sodonka.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan “ Eng Yariisow “ ayaa sheegay in ay dhisayaan dhamaan wadooyinka burbursan ee muqdisho si loo soo celiyo bilicda magaalada iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha wadada sodonka ay sii socon doonto, lana gaarsiin doono Xaawa Casir ee degmada Kaaraan.

Waxa uu ganacsatada gobolka banaadir ku dhiira geliyay in ay sii laba jibaaraan sida ay maamulkiisa ugula shaqeynayaan dhismaha wadooyinka burbursan ee muqdisho.

Wadada Sodonka ayaa waxa ay martaan degmooyinka Hodan, Warta Nabada, Howl-Wadaag, iyo Yaaqshii

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.