Sawirro.Madaxweynaha Jabuuti iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo kulan yeeshay

0 203

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdigii uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Kulankan oo socday saacad iyo wax ka badan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti G/sare Cabdullaahi Cabdi Faarax, Saraakiil Ciidan oo ka kala socotay labada dalka iyo masuuliyiin kale.

S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa Madaxweynaha Dawladda Jabuuti, waxa uu kala hadlay dhinacyo badan oo ammaanka quseeya iyo siddii Jamhuuriyadda Soomaaliya looga taageeri lahaa adkeynta Nabadgelyada.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ballan qaaday in gacan weyn Dowladda Djibouti ay ka geeysan doonto taageerada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kordhinta tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Geelle sida walaaltinimada ay ka muuqato ee loogu soo dhaweeyey Djibouti, waxaana uu tilmaamay in uu yahay Hiil-Walaal oo Soomaaliya mar walbo garab taagan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.